Wasaarada Cadaalada ee DGJ oo siminaar u qabatay odoyaasha dhaqanka, booliska iyo maxkamadaha gobolka Jubbada hoose

20 ka bisha maarso, Wasaarada Cadaalada Dowlad Goboleed ka Jubaland  ayaa siminaar u qabatay odoyaasha dhaqanka, booliska iyo maxkamadaha gobolka Jubbada hoose  kaa soo si wada jir ah u soo wada qaban qaabiyeen Wasaarada Cadaalada iyo hay’ada UNDP.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland iyo wasiir ku-xigeenka Wasaarada Cadaalada oo iclaamiyey sadex bari oo roob doon ah dhamaan Gobolada Jubaland ayaa maanta oo taarikhdu tahay 21 bisha Maarso  kala qeyb galay bulshada ku dhaqan magalada Kismaayo salaadii roob doonta iyo Alle bariga. Dadweynaha ku dhaqan magalada Kismaayo ayaa isagu soo baxay Garoonka Isbartiibo wiikiyo si ay Allah uga baryaan raxmadiisa abaartana ugu dul qaado daba dheeraatay.

Waxey wasaaradu sheegtay in tartanka Quranka kariimka  ee 30 ka jus kaa soo loo qabtay dhamaan gobolada somaaliya  ay jubaland ka gashay kaalinta kowaad guud ahaan somaaliya. Abdirahman Maxamed Maxamuud ayaa lambarka koowaad ka galay 30 ka jus ee Quranka kariimka asagoo matalayey Dowlad Goboleedka Jubaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *