Waxqabadka asbuuclaha ah ee wasaaradda arrimaha gudaha

 

 

 

Shirkii mashruuca JPLG ee muqdisho

Horaantii asbuucan  wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo koox shaqaalaha wasaaradda kamida waxay  xamar kaga soo qaybgaleen shirkii sanadlaha ahaa ee meelmarinta qorshaha 2017 ee mashruuca  dawlahaddaha hoose  shirkan oo ay ka soo qayb galaan  maamul goboleedyada dalka, dawladda dhexe, deeq bixiyayaasha mashruucan iyo  hay’adaha ku  bahobey mashruucan ee UNDP, UNICEF, UNCDF , UNHABITAT iyo ILO .

Shirkan ayaa laysku afgartay qorshihii sanadkan 2017 Annual work-Plan  waxaana Jubbaland kaga soo aadey maaliyad fiican oo lagu dhisayo  golayaasha deegaanka  degmooyinka Kismayo iyo garbaharey  laguna dhisayo awoooda iyo kartida maamul ee degmooyinka marka golaha degaan loo sameeyo.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubbalandd

Gudiga gurmadka abaarah  oo ay horumuud u tahay wasaaradda arrimaha gudaha jubbaland in mudo ah waxay ku mashquulsanaayeen u gargaarida iyo samata bixinta shacabka jubbaland iyagoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay ugu gurman lahaayeen dadka abaaru halakeeyee. Qaylo dhaan badan ka diba waxay   soo heleen deeq gaaraysa 150,000 oo doolar oo ka soo gaartay dowlada dhexe deeqdaas oo loo qaybiyey dhamaan degmooyinka dowlad gobleedka  jubbland iyagoo gudigu u magacaabay dugiyo  degmo kasta kuwaas oo  ka masuul ah qaybinta deeqda loo qoondeeyey.

Horaantii asbuucan waxaa ay gudigu bilaabeen la xisaabtanka gudiyadii heerka degmo iyagoo ku amray in ay xisaab celin soo sameeyaan si loo ogaado sida loo gaarsiiyey wixiii shacabka loogu talagalay, waxayna degmooyinku uqaybiyeen sidii loogu tala galay.

Gudigu waxaa kale oo ay yeesheen kulamo kala duwan oo ay kaga hadlayaa sidii loo gaarsiin lahaa deegaanada aanay dowladdu gacanta ku hayn sidii loo gaarsiin lahaa deeqihii loogu talagalay oo ilaa hada gacanta lagu hayo.

Guddigu waxaa ay shir deg deg ah isugu yeereen ganacsatada magaalada kismaayo iyagoo warbixino badan oo kala duwan ka bixiyey waxii ay qabteen iyo halka howshu u marayso. Gudigu waxay ganacsatada ka codsadeen in ay gargaar degdeg ah la gaaraan shacabka dhibaataysan, kadib ganacsatada iyo gudigu waxay  kormeer u aadeen meelaha ay daggan yihiin dadka barakacayaasha ah iyo kuwa xooluhu kasoo dhamaadeen si ay ugu kuur gaalaan xaaladooda iyagoo ka dayriyey xaalada ay dadkaasi ku sugan yihiin.

Hagaajinta bilicda iyo nadaafada magalada kismaayo si looga hortago cudurada dilaaga ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee jubbaland waxaa ay bilowda iyadoo howl galinaysa dowladda hoose ee degmada kismaayo iyo ururada bulshada in ay olole xoogan ku qaaday hagaajinta bilicda magaalada iyo qaadida qashinka yaala wadooyinka iyo meelaha kale,  kadib markii ay soo bateen xanuunada  daacuunka iyo shuban biyoodka oo si aad ah ugu si faafaya deegaanada jubbaland.

Kormeerkii iyo la tashigii dad waynaha deegaanka Goobweyn

Wasaradda Arrimaha Gudaha asbuucan gudihiisa waxay  kormeer iyo la tashi dadweyne ku tagtay deegaanka Goobweyn oo 15km u jira degmada Kismayo  wafdiga wasaraddu hogaaminysay ayaa ka koobnaa   maamulka degmada Kismayo, Wasaaradda Haweenka iyo Hay’adaha  wasaradda ka taageera barnaamijka xasilinta .

Intii ay wasaaraddu kormeerka ku guda jirtay waxay la kulantay   qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degaanka  Goobweyn waxayna ka warbixiyeen baahiyohooda iyagoo kala mudnaan siiyey soona bandhigay baahiyaha ugu daran oo ay hadda qabaan isxogawaysiga ka dib Wasaaradda iyo kooxdii la socotay waxay  booqashooyin iyo indha indhayn u tageen xarumahii dadweynaha oo iyagu haatan gebi ahaanba meesha ka baxay sidii ay u burburtay dawladii dhexe, Wafdigu waxay boqdeen   xarunta caafimaadka degaanka, iskuulka iyo suuqii hore  dhaamntoodna way burbursanaayeen .

Sidoo kale waxay kormeer ku tagtay wabiga o haatan isu bedelay bad kadib marki uu biya yareeyey dadka degaanku siday noo sheegeen  marka sidan o akle webigu u biya yareeyo waxaa soo gasha bada  biyaha webiguna waa cusboobaa ama waa milixoobaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *