Warbixin talaalkii shuban biyoodka ee magalaada Kismaayo.

     XOGTA TALAALKII  SHUBAN BIYOODKA  EE  MAGAALADA  KISMAAYO

 

Waxaa kabilowday magaalada Kismaayo sadex xafadood oo kamida talaalka kahortaga  shuban biyoodka iyo  daacuun calooledka tarikhdu markay ahayd 16/03/2017

Xafadahasoo kala ahaa Farjano, Fanoole iyo Calanley.  Talalka oo socday mudo shan bari aha ayaa kusoo gabagaboobay si habsamileh oo wafaqasan siddi loogu tala galay.

Sababaha kadanbeyey in la bilaabo talalkan ayaa ahaa kadib marki magalada kismaayo iyo guud ahaan dalka uu kadilaacay xanuunka  shubanka ayaa waxaan sameynay badhitaan  aan udiray shaybaadhka dalka ee caasimada Muqdisho. Waxaan baadhitaan saxaro ka qaadnay   8 qof oo xanuunku haleelay  kuwaa soo dhamaantood noqdeen positive.

Kadib waxaan badhitaan kusameynay goobaha uu kubadanyahay xanuunkani Kismaayo ahaan waxaan ogaanay iney u badan yihiin xaafadaha Farjano, Fanole iyo Calanley.

Kadib codsi ayaan udirsanay hay’adaha qaramada midoobay iney naga caawiyaan talalka in laga qabto guud ahaan dalka. Nasiib wanaag waxey nooshegen iney naga cawin karaan kali aha melaha uu u badanyahay xanuunku  sababo la xadhiidha in aan hada kahor laga qabanin talaal noocan ah dalka Somalia iyo dhaqaale ahaanba.

Kadib waxaan nasiib u helnay in laga qabto talaalka 7 gobood oo kamid dalka waxan u batay warbixinta magaalada Kismaayo, Beledwayne iyo qaybo kamida Gobolka Banaadir. kadib waxaa la qorsheyey in laga qabto sadex xafadadood oo Kismaayo ah, labo xafadood oo Beledwayne ah iyo labo dagmo oo kamida Gobolka Banaadir sida  dagmada  Hodan iyo dagmada Dharkaynley.

Kadib tariikhdu markey ahayd 14/03/2017 waxaan bilownay inan tababaro dadkii qaban lahaa talaalka, Tababar kaas oo socday mudo  labo bari ah.

15/03/2017 waxaan xaflad daahfurida talaalka ku qabanay magalaada  Kismaayo, waxaana daahfuray talaalka ugu horeyna qaatay Madaxweyne ku-xigeenka labaad Mudane Suldan Abdiqadir Lugadheere iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada caafimaadka mudane Dr Ali Nuur . waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Wasiiro kala duwan sida Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Macalim Maxamed,  Wasiirka wasaaraada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Qamar,Wasiirka Beeraha iyo khayraddka Mudane Geele iyo wasiiro kaloo badan kuwaa soo talaalka halkaas ku qaatay.

 

Dadka ku nool sadex daas xaafadood ayaa  lagu qiyaasay  165,094 oo qof ayagoo u kala qeybasan

 

 

Xaafada  Farjano 75,660 

Xaafada Calanley 45,784  

Xaafada Fanoole 43, 650 

Waxaa ka shaqo galay sadex daa xaafadood 94 kooxood oo koox kasta ay ka koobanyihiin 4 qof, Waxaana gaadhnay inaan talaalno  98.2%  tirade guud ee sadexda xaafadood, iyada oo ay jiraan dad farabadan oo diiday talaalka sababo laxadhiida talaalkan oo ku cusub dalka iyo dadka  oo an hore ugu baranin in laga talaalo xanuunkan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *